Odayaal iyo Haween Xildhibaano doortay oo cafis loo fidiyay lana soo bandhigay (Daawo Sawirada)

Xarakada Al Shabaab ayaa Deegaanka Buq Aqable ee gobolka Hiiraan kusoo bandhigtay ku dhawaad 100-qof oo isugu jiray Odayaal , Dhalinyaro iyo Haween kamid ahaa ergadii Xildhibaanada golaha shacabka kusoo doortay magaalada Jowhar.

Odayaasha iyo Ergada Al Shabaab soo bandhigtay oo gaaraya 95-ruux ayaa la sheegay in ay ka kala tageen magaalooyinka Baladweyne , Jowhar iyo Muqdisho, waxa ayna dhamaan ahaayeen Ergadii dooratay Xildhibaanada Hirshabelle ku matala Baarlamaanka.

Al Shabaab ayaana odayaasha iyo ergada ka faa’iideesanayay cafiska ay u fidiyeen u qabatay dooro socotay mudo 10-maalin ah, waxaana Al Shabaab cafis u fidiyeen Ergadaasi ajiibtay amarkooda una ogolaatay in guryahooda dib ugu laabtaan.

Bayaan Al Shabaab horey usoo saareen ayaa lagu faray dhamaan ergadii iyo odayaashii soo doortay Xildhibaanada golaha shacabka in ay cafis kasoo dalbadaan ayna towbad keenaan, waxa ayna Al Shabaab u qabatay 45 cisho iyadoona dib uga dartay 10-maalin oo kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

- Advertisement -